wiil ayaa gabar warqad jacayl u qoray oo yiri:-
katimid:- qalbi wax jacayl
kusocota:- qalbi la jecel yahay
xaashidaan waxaa qoray nin la xaday xiskiisoo xubbi aad u qara weyn xubnihiisa uu galay xagga ay ku socotana waa gabar xishoodkiyo xushmadaba taqaanoo xaashay la jecel yahay
marka hore iga gudoon salaan la isu diro tan ugu qiimo iyo qaayo badanoo kaaga soo go’day qalbi furan, niyad faraxsan iyo naf kuu ooman intaas kadib,
beerka iyo wadnaha
bogaad iiga taalaa
waa kuu bukaayoo
waxaan baadi goobaa
bidhaantaada wacanee
indhuhu ay la ooyaan…
ugu damayntii u jeed kaygu waxa uu yahay walaal waxaan ahay qof si daacad ah kuu jecel waxaana doonayaa in aad wax la qabato .
jawaabtii gabadha
katimid : qalba ay naxariistii waa hore ka guutay
ku socota : qalbi waali iyo wareer u dhexeeya
xaashidaan waxaa qortay gabar uu xishoodkiyo xididkii naxariista
gebi laga xayuubshoo aan xiiso kuu hayn
xaga ay ku socotana waa wiil xujooboo
xidigaha is mariyay idhagayso wiilyohow oo si fiican hadal kaygu hakuu galo waayaha aduunyada subaxdii soo guduutaba wax cusub baa la arkaa saakay ma waxaad iila timid waan ku jecelahay ,
waan kuu dhimanayaa , la’aantaa manoolaan karo iyo wax aan lagaranayn ruuxyohow hadii aad qarweyso waa ku kaligaa hadiise aad waalan tahay quraan uun baa kuu dawo ah .
hadii aad wanaag doonayso ha iila iman Arimahaas qafiifka ah oo waalida aan waxba dhaamin , waayo waa arin aan ku haboonayn dhegaha qof damiir leh oo wax garad ah.
@saahirmaik